Af-soomaali
desember 5, 2006 av Hamsa Mohamed
Maalin wanaagsan dhamaantiin,
Ku soo dhawaada boggan oo aan ku soo daabici doono hadba wiixii waayo jira. Sida aad aragtaan waa bog uu qori qof soomaali ah waxyaabaha lagu qoraana waa wax bulshada khuseeya. Ha ahaato tan Norway iyo ta soomaalida geeska afrika deggan labadabee. Waxyaabaha aan waayihii danbe ku soo qorayey ee aan soo xiganayey waxaa ka mid ah; in aan isku dayo in aan ogaysiiyo dadka boggan akhrista oo u badan siyaasiyiin xaga garabka BIDIX ah oo asal ahaan norweyji ah xaaladda cusub ee ka abuurantay Geeska Afrika. Akhristow hadab ha moogaan ee la soco, oo wixii talo iyo tusaale ah ee aad haysid hala xaasidin ee soo daa.
Waad mahadsantahay!
Xamse Maxamed
Oslo, Norway






sxb waa mahadsantahay waxaan ahay qof soomali ah waa ku faraxsanahay sida quruxda badan oo aad u qortay iyo sida hadalka u wanaajisayba ha daalin xaalda ka jirta geeska africa
shgcsv z xvabcn nc
sxb aad ayaan umahad santay sida aad udaabacday iyo waliba sida aad iskugu haw layso inaad wanakeenii iyo kan aan daganahayba waxa ka dhacaya aad dadk somaliyeed usoo ban dhigto aad ayaan kuugu hamnabal yaynaa waxaanan ku leeyay halkaa kasii wad sxb ilaahayna hakugu garab galo
Assalamu alaikum dhammaantiin
ka dib sxb waxaan ahay qof soomaali ah.
waana farxad inaad qorto qoraal noocaan oo kale ah weyna fiican tahay in laguugu garabsiiyo waana ku farax sanahay horumarka aad tiigsaneso waxaan rajeynayaa iney kugu deydaan dhammaan dhalinta soomaaliyeed….
dhamaan waad salaaman tihiin.
waa wiil soomaaliyeed oo ku nool kenya walaal aad iyo aad
ayaan uga farxay calashaan waxaan ku dhihi lahaa haka
daalin waxaadna mudan tahay ku dayasho….
Asalaamu calaykum sxb hamsa, marka ugu horeeya aad ayaan kaaga hambalyaynayaa hawshaan weyn ee aad u istaagtay, sxb walaahi waxaad tahay qof ku dayasho mudan hawsha aad haysana waa hawl aad u muhiim ah, waxaan kuu rajaynayaa inaad gaartid hamigaaga.
Aniga runtii waxii talo ah marna kaala bakhayli maayo, waxaana rajaynayaa qof walba oo somalia ah inuu saas samayn doonol.
waan ku farxay sida wanaagsan ee xilkasnimada,maskaxnimada, iyo waayo aragnimada leh ee aad wax ugu qortay, waxaan kugu dhiiri geliyanayaa ha daalin, hore u soco, kana sii badi, somalidu waxay tidhaahdaa “DADAALAA XAAJI CABBAAS WAA GAADHI WAANA DHAAFI KARAA” ilaa xad ayaad u mahad san tahay mudane Xamse
NAIROBI
hei hamza jeg har lest somali weyn avis og så jeg litt info om deg og det høres bra ut send meg melding og sikkert du får støtte fra meg og alle mine venner og de som jeg kjenner til å stemme for deg
salamou alaykoum.
waxaan odhankaraa waa wax lagu faano alhamdulilah runtii waa wax ifarxad galiya markaan maqlo amaba arko qof dhalinyar ah oo somali ah oo wax lagu farxo sameeya adiguna hamze kudayasho ayad mudantahay hadii ay noqoto kuwa jooga geeska afrika(dalkii) iyo kuwa jooga qurbahaba inkasta oo siyaasada somalia runtii marayso meel xun hadana dhalinyarta weeye kuwa badali kara heersarena gaadhsiinkara.waxaan ku talinlahaa anigu dhalinyareey toosa oo ku fekera meel sare inaad gaadhaan oo dalkiina iyo dadkina waxtartaan taas ayaa idin khayroon iskana dhafa balwada iyo qabyalada.
ilaahayna ka baqa.
waad mahadsantihiin